Skip to main content
Press Release

Waaxda Caddaaladdu waxay Heshiis Helitaan Luuqadeed La Gashay Xafiiska Sheriff ee Gobolka Washington

For Immediate Release
Office of Public Affairs

Waaxda Caddaaladda ayaa maanta ku dhawaaqday heshiis lagu xallinayo eedeymaha sheegaya in Xafiiska Sheriff ee Degmada King ee Washington (KCSO) uu takooray dadka aqoontooda Ingiriisiga ay xaddidan tahay (LEP), taasoo xadgudub ku ah Qodobka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ee 1964.

Sida uu dhigayo xeerka heshiiska, KCSO waxay ogolaatay inay qaado tallaabooyin dhowr ah oo lagu wanaajinayo helitaanka luqadda ee shakhsiyaadka ah LEP. Qodobka VI waxa uu mamnuucayaa takoorka ku salaysan isirka, midabka iyo asalka qaranka (ay ku jirto takoorida ku salaysan aqoonta Ingiriisiga) ee ay sameeyaan hay'adaha hela kaalmada maaliyadeed ee federaalka.

“Waaxda Cadaaladda waxaa ka go'an in ay hubiso in hay'adahayada sharci fulinta ay awoodaan in ay ilaaliyaan oo ay u adeegaan dhammaan dadka ku nool bulshadooda, oo ay ku jiraan dhibanayaasha dambiyada, iyada oo aan loo eegin awoodda ay u leeyihiin in ay si fiican ugu hadlaan Ingiriisiga,” ayuu yiri Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud Kristen Clarke oo ka tirsan Waaxda Caddaaladda Qaybta Xuquuqda Madaniga. “Heshiiskan xalintu waxa uu wanaajin doonaa badqabka dadwaynaha, wuxuuna wanaajin doonaa bixinta adeegyada luqadda ee dadka aan ku hadlin luuqadda Ingiriisiga ee ku nool Degmada King.”

“Heshiiska maanta lala galay Xafiiska Sheriff ee Degmada King wuxuu gacan ka gaysanayaa dhisitaanka kalsoonida bulshada,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Tessa M. Gorman ee Western District of Washington. “Waan ku faraxsanahay in isla markii dhibaatada loo soo bandhigay Xafiiska Sheriff, ay wakaaladu ogaatay inay tahay in ay hagaajiso siyaasadaha ku saabsan helitaanka luqadda waxayna isla markiiba ogolaatay inay isbeddel sameyso.”

Heshiiska maanta ayaa faahfaahinaya qorshe laba sano ah oo lagu wajihi doono taageerooyin xiriir ah oo luuqadeed si loo horumariyo xiriirka ka dhexeeya ku xigeennada KCSO iyo shaqsiyaadka ah LEP. Sida ku cad heshiiska, KCSO waxay ogolaatay inay shaqaalaysiiso maamulaha barnaamijka helitaanka luqadda; dhisidda amarro ku meel gaadh ah iyo kuwa kama dambaysta ah ee mamnuucaya u adeegsiga carruurta, qoyska, dadka qalaad iyo shakhsiyaadka kale ee aan u qalmin bixinta adeegyada luqadda; la xiriiridda xubnaha bulshada iyo daneeyayaasha; dhisidda barnaamij tababar oo balaaran iyo hubinta habraac cabasho oo la heli karo.

Waaxda cadaaladda ayaa bilowday la shaqeynta KCSO kadib markii urur bulshada ku salaysan uu soo saaray walaacyo ku saabsan dhacdo dhexmartay ku xigeenka KCSO iyo degane ah LEP. Waaxda cadaaladda ayaa caawimo farsamo siisay KCSO, taas oo keentay in heshiiskan la dejiyo.

Heshiiskan waxaa si wadajir ah uga wada gorgortamay Qaybta Xuquuqda Madaniga ah iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ee Western District of Washington.

Heshiisku waa qayb ka mid ah Hindisaha Sharci-Fulinta ee Helitaanka Luuqadda ee waaxda (LELAI), dadaal qaranka oo dhan ah oo lagu caawinayo hay'adaha fulinta sharciga si ay uga gudbaan caqabadaha luqadda ee shaqadooda maalinlaha ah. Hindisaha, oo ay hogaaminayso Qaybta Xuquuqda Madaniga ah iyada oo lala kaashanayo Xafiisyada Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, waxay bixisaa khayraadyada kaalmada farsamada iyo agabyada ka caawin kara fulinta sharciga gobolka iyo deegaanka inay si macno leh luqad u helaan shaqsiyaadka ah LEP, waxay si cad ula hawlgalaan hay'adaha fulinta sharciga ee doonaya dib-u-eegista, cusboonaysiinta iyo/ama xoojinta siyaasadoodda helidda luuqadooda, qorshayaashooda iyo tababaradooda waxayna xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya wakaaladaha fulinta sharciga iyo daneeyayaasha bulshada LEP iyo dadka LEP.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qaybta Xuquuqda Madaniga ah ayaa laga heli karaa mareegteeda oo ah www.justice.gov/crt iyadoo macluumaadka ku saabsan aqoonta Ingiriisiga xaddidan iyo Qodobka VI laga heli karo www.lep.gov. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan LELAI ayaa laga heli karaa www.lep.gov/law-enforcement. Xubnaha ka tirsan ee dadweynaha waxay ku soo wargelin karaan xadgudubyada xuquuqda madaniga ee suuragalka ah barta civilrights.justice.gov/report/.

Updated February 15, 2024

Civil Rights
Press Release Number: 24-158