Skip to main content
Case Document

Federal Way Settlement Agreement (Somali) - Heshiiska Xalka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Dugsiyada Dadweynaha Federal Way

Date
Document Type
Settlement/Consent Decree

Khamiis, Nofeembar 12, 2020

Mareykanka Wuxuu Is-afgarasho la Sameeyay Dugsiyada Dadweynaha Federal Way si Loo Xaliyo Cabashooyinka Ardayda ee Ku Saabsan Dhibaataynta Ku Saleysan Diinta iyo Asalka Qaran

Maanta Laanta Xuquuqaha Madaniga ee Waaxda Caddaaladda iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Galbeedka Degmadda Washington waxay ku dhawaaqeen heshiis xal ah oo lala galay Dugsiyada Dadweynaha Federal Way ee ku yaala Washington si loo xalliyo baaritaanka eedeymaha dhibaateynta asaagga dhexdiisa ah ee ku saleysan asalka qaran iyo diinta.

Cabashooyinka loo gudbiyay Mareykanka ayaa ku andacoonaya in ardayda ay si isdaba joog ah u bartilmaameedsadaan kuwa  asaagooda ah iyaga oo u geysanaya dhibaateyn af iyo addinba ah sababo la xiriira diintooda ama asalkooda qaran awgood, iyo in degmadu aysan si ku filan uga falcelinin cabashada ardayda ee ku saabsan dhibaataynta.  Waaxdu waxay awood u leedahay inay baarto oo ay xalliso cabashooyinka ku saabsan dhibaataynta diinta iyo asalka qaran ku saleysan iyada oo loo marayo hirgelinta Cutubka IV ee Sharciga Xuquuqaha Madaniga ee 1964. Heshiiska xalka ah ayaa sidoo kale xallinaya cabashooyinka ku saabsan guuldarrada degmada inay si sax ah ula xiriirto waalidiinta iyo mas'uuliyiinta degmada degan ee aan aqoonta fiican u lahayn luqadda Ingiriisiga, sida uu farayo Sharciga Fursadaha Waxbarasho ee Siman ee 1974.

“Degmooyinka maamula dugsiyada waa inaysan waligood iska indha tirin dhibaataynta ardayda ee ku saleysan diintooda ama asalkooda qaran," ayuu yiri Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Laanta Xuquuqaha Madaniga Eric S. Dreiband. “Takoorka ka jira dugsiyada ee ku saleysan diinta ama asalka qaran wuxuu xadgudub ku yahay sharciga federaalka waana mid ka soo horjeedda qiyamka qarankeena.  Waxaa na dhiiri galiyay heshiiska Federal Way aan kula galnay inay wax ka baddesho siyaasadaheeda una bixiso tabbabaro dheeraad ah si loo hubiyo in macalimiintooda iyo shaqaalahooda kaleba ay ka ilaaliyaan caruurta dugsiga dhibaataynta ku saleysan diintooda ama meesha qoysaskooda ay ka yimaadeen. Wadankan gudihiisa, dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin in si ixtiraam iyo edeb leh loola dhaqmo iyada oo aan loo eegeynin diintoda ama meesha ay ka soo jeedaan awoowyadood.”

"Arday kasta waa inuu awood u lahaado inuu xaadiro dugsiga isaga oo aan ka baqaynin in la dhibaateeyo oo loo xoogsheegto sababo la xiriira midabkiisa ama midabkeeda ama diinta uu aaminsan yahay awgeed," ayuu yiri Qareenka Mareykanka ee Western District of Washington Brian T. Moran. "Waxaa i dhiirigaliyay sida ay diyaar ugu tahay Federal Way inay qaado talaabooyin degdeg ah si loo hubiyo in ardayda dhigata dugsiyadeeda ay ka madax banaanyihiin dhibaataynta iyo xoogsheegashada noocan oo kale ah."

Kadib baaritaan lagu sameeayay cabashooyinka qoysaska, Mareykanka wuxuu u sheegay Federal Way walaaca ay ka qabaan in Degmadu ay ku guuldareysatay inay si degdeg ah oo habboon uga jawaabto cabashooyinka dhibaataynta ee arday badan ay soo gudbiyeen, oo ay ku jiraan cabashooyinka ardayda Muslimka ah iyo ardayga Laatiinka ah ee ah inay si joogta ah ula kulmeen dhibaateyn daran oo af iyo adinba ah. Waaxdu waxay kaloo ogaatay in degmadu ay ku guuldareystay inay si sax ah ugala hadasho cabashooyinka waalidiinta iyo mas'uuliyiinta ee aan luuqadda Ingiriisiga aqoonta u lahayn. Degmadu waxay si iskaashi leh ula shaqeysay Mareykanka si loo hubiyo in la siiyo ilaalin ku habboon dhammaan ardayda iyo qoysaskooda. Waxyaabaha kale waxaa ka mid ah, heshiiska xalka ah wuxuu u baahan yahay degmadu inay: la shaqayso la-taliye si ay dib-u-eegis ugu sameyso una cusbooneysiiso siyaasaddeeda la-dagaallanka dhibaataynta, xaqiijiso inay si dhakhso leh oo wax ku ool ah uga jawaabto cabashooyinka ardayda ee dhibaataynta, oo ay ku tabbabarto xubnaha shaqaalaha sida habboon ee loola xiriiro Waalidiinta ama mas'uuliyiinta ee aan luuqada Ingiriisiga aqoon fiican u lahayn.

Dhaqangelinta Cinwaanka IV waa mudnaanta koowaad ee Laanta Xuquuqaha Madaniga ee Waaxda Caddaaladda, taas oo dhaqangelisa sharciyada federaalka ee ka ilaaliya shakhsiyaadka takoorka ku saleysan isirkooda, midabkooda, asalkooda qaran, xaaladdooda naafonimo, jinsiyadooda, diintooda, xaalada qoyskooda, ama luminta xuquuqaha kale ee dastuuriga ah. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Laanta Xuquuqaha Madaniga ee Waaxda Caddaaladdaa waxaa laga heli karaa www.justice.gov/crt.

Haddii aad aaminsan tahay in xuquuqahaaga madaniga, ama kuwa qof kale, lagu xad gudbay, warbixin ka soo gudbi adiga oo adeegsanaya foomkeena onleenka ah ee ku jira www.civilrights.justice.gov/.

Updated April 18, 2023